Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kulan la qaatay Madaxweyne Mustafe Cagjar.

22 May, 2025

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa quraac sharaf la qaatey Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed…

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa quraac sharaf la qaatey Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo Guddoomiye ku-xigeenka ismaamulka Wajeer Axmed Muxumud Cabdi (Caato).

Kulanka ayaa ka dhacay magaalada Nayroobi ee dalka ee Kenya oo muddooyinkan Boqor Burhaan ku sugnaa.

Madaxweyne Mustafe Muxumud Cumar ayaa lagu amaanaa dedaaladiisi wax ku oolka ah iyo dib u dhiska Dowlad deegaanka Soomaalida oo hiigsatey horumar la taaban karo.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ugu duceeyey labada masuul in rabbi u fududeeyo masuuliyadda ay sidaan, sidoo kale labada shacab ee deegaanadaas ku nool ayaa boqorku ugu duceeyey nabad iyo horumar in rabbi ku manaysto.