Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa soo saaray bayaanka uu ku bogaadinayo shirarkii ay dhawaan yeesheen qaar…

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa soo saaray bayaanka uu ku bogaadinayo shirarkii ay dhawaan yeesheen qaar kamid ah Isimada gobollada Bari iyo Nugaal, kuwaas oo looga hadlay arrimaha siyaasadeed iyo masiirka Puntland.
Bayaanka Boqorka ayaa lagu sheegay in uu soo dhoweynayo go’aamadii kasoo baxay shirarkii Boosaaso iyo Garoowe, kuwaas oo Isimadu ku baaqeen in si wadajir ah looga tashado aayaha Puntland iyo midnimada bulshada.
Boqor Burhaan ayaa xusay in muddo saddex sano ah ay Puntland la tacaaleysay isbeddello siyaasadeed iyo xaalad cakiran, balse uu bogaadinayo dadaalka socda ee dib loogu dhisayo wadajirka iyo xasilloonida maamulka.
Wuxuu sheegay in uu taageersan yahay baaqa Isimada, isla markaana uu ku baaqayo in la qabto shir guud oo ay ka soo qayb galaan dhammaan waxgaradka Puntland si looga arrinsado mustaqbalka maamulka.
Isimada gobolka Bari ayaa hore ugu baaqay in la iskugu yimaado shir dib loogu eego aayaha Puntland, kaasi oo ay sheegeen inuu muhiim u yahay nabadda, wadajirka iyo dhismaha dowladnimo waarta.





