Boqor Burhaan boqor Muuse oo kamid ah saldanooyinka soojireenka ah ee Soomaaliyeed ayaa si adag uga…

Boqor Burhaan boqor Muuse oo kamid ah saldanooyinka soojireenka ah ee Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay sababaha uu uga gaabsaday arrimaha siyaasadda Soomaalida iyo heerka xiriirka kala dhexeeya siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
Boqorka ayaa sheegay inuusan wax xiriir ah lalahayn Madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaalida ayna ku kala tageen sheegitaanka qaladaadkooda, isagoo caddeeyey inuusan u doonan xil ama dhaqaale midkoodna.
“Runtii anigu siyaasiyiinta iskuma milano, isma-badsano inta badana col ayaan nahay, haddii Madaxweyne yahay, RW iyo xitaa hadduu Madaxweyne maamul goboleedyahay waxaan jecelahay inaan caqligayga cidina igu maamulin, wixii wanaagsan aan ku taageero oo aanan karaankayga waxba kala harin”, Ayuu yiri Boqor Burhaan boqor Muuse.
Boqor Burhaan ayaa intaasi ku daray,”Siyaasiyiinta waxaan isku nacnay markuu qaldamo inaan farta ku fiiqo, waxaan kaloo faraha ka qaaday wax Alla waxay hayaan hadday dhaqaale tahay iyo hadday Mansab tahay, intaasi waa inta kaliya aad ku badbaadaysid.”



