Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiskii ay magaalada Nairobi ku…

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiskii ay magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen maamulada Somaliland iyo Puntland, kaasi oo diiradda lagu saaray wada shaqeynta dhinacyada amniga, siyaasadda iyo la dagaalanka argagixisada. Boqorka ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay tallaabo muhiim ah oo horseedi karta nabad, wada noolaansho iyo horumar guud oo labada dhinac ah.
Boqor Buurmadow ayaa sheegay in Puntland ay tixgelisay rabitaanka shacabka Somaliland, isla markaana ay heshiiskan u aragto mid dhab ah oo dan u ah dadka Soomaaliyeed. “Puntland waxay muujisay masuuliyad iyo biseyl siyaasadeed, waxayna oggolaatay in la tixgeliyo aaya-ka-tashiga dadka Somaliland,” ayuu yiri Boqorka.
Isagoo ka hadlayay muhiimadda heshiiskan, Boqorka ayaa xusay in uu wax weyn ka tari doono amniga, iskaashiga labada dhinac iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ee khatar ku ah gobolka. Sidoo kale wuxuu sheegay in heshiiskan uu abuuri karo jawi cusub oo ay labada maamul ku wada shaqeeyaan, loogana gudbo khilaafyo taagnaa sanado badan.
Dhanka kale, Boqor Buurmadow ayaa carabka ku adkeeyay in dadka reer Somaliland ay xiriir qoto dheer kala dhexeeyo Puntland, isagoo tusaale u soo qaatay doorkii ay reer Somaliland ka qaateen soo saarista hoggaamiyayaal Soomaaliyeed oo caan ah, sida Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cabdullaahi Yuusuf Axmed. “Cabdirashiid Sharmaake iyo Cabdullaahi Yuusufba annagaa dhisnay… Nairobi-na heshiis siyaasadeed oo dhab ah baa ka dhacay, Puntland-na waxay noqotay Soomaalida keliya ee oggolaatay aaya-ka-tashigeenna,” ayuu yiri Boqorka.
Ugu dambayntii, Boqor Buurmadow ayaa horay dhowr jeer ka hadlay damaca Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee musharaxnimadiisa 2026 isagoo sheegay inay taageero uyihiin doorkana ay kala qayb qaadanayaa sidii u guuleysan lahaa, Boqor Buurmadow ayaa ka mid ah Odayaasha go’aanka ka gaara xildhibaanada matalaya reer Somaliland ee ka tirsan DFS.



