Boqorka Britain Charles III oo booqasho rasmi ah ku jooga Mareykanka ayaa khudbad ka jeediyay Aqalka Kongress-ka Mareykanka, isagoo ka hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya UK iyo Mareykanka, midnimada NATO iyo taageerada Ukraine.

Khudbadda xalay ee Boqorka UK ayaa qeyb ka ahayd booqashadiisa afarta maalmood ahayd ee uu ku tagay Mareykanka, xili labada dal ay isku khilaafsan yihiin dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay la galeen Iiraan, dhaleeceynta Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee NATO, iyo xiisadda ganacsi ee u dhaxaysa dalalkan xulafada soo ahaa muddada dheer.
Charles si toos ah ugama hadlin dagaalkii Mareykanka iyo Israa’iil ee ay la galeen Iiraan ama dhaleeceynta cad ee Trump u jeediyay xulafada NATO ee diiday inay ku biiraan dagaalka Trump billaabay.
Taa beddelkeeda, wuxuu ammaanay isbaheysiga NATO iyo xoojinta iskaashiga dalalka reer galbeedka ee lagu taageerayo dalka Ukraine ee iska difaacaya duulaanka Ruushka.
Wuxuu sidoo kale ku baaqay in “Nabad” lagu xaliyo xiisada Bariga Dhexe.



