Boqor Cabdalla ayaa booqasho ku tagay London ka hor inta uusan Trump kula kulmin Washington

Boqor Cabdallaha Labaad ee dalka Urdun ayaa maanta oo Khamiis ah ku wajahan yahay caasimadda Ingiriiska ee London, halkaas oo uu ku tagayo booqasho shaqo oo ka horraysa kulanka la filayo in uu Washington kula yeesho madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, taas oo qayb ka ah dhaq-dhaqaaq xooggan oo uu boqorku wado kadib hadalladii muranka dhaliyey ee Trump ee ku saabsanaa marinka Qaza.
Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saartay maxkamadda boqortooyada Jordan, Boqor Cabdallaha labaad ayaa maanta ka dhoofay dalkiisa isagoo safar shaqo ku tagay caasimadda Ingiriiska ee London, ka dibna waxa uu booqasho shaqo ku tagaya dalka Maraykanka oo ay ku jiraan magaalooyinka Boston iyo Washington, D.C.
Socdaalkan ayaa ku soo aadaya dadaallada diblumaasiyadeed ee Urdun ee looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo diidmada Boqortooyada ee barakaca Falastiiniyiinta iyo ku dheganaanshaha xalka labada dowladood ka dib soo jeedintii Trump ee muranka dhalisay ee ku aaddan masaafurinta dadka deggan Marinka Qasa.
Boqorka Urdun waxa uu carabka ku adkeeyay “lama huraannimada joojinta tallaabooyinka dejinta iyo diidmada isku day kasta oo lagu doonayo barakicinta Falastiiniyiinta ee Gaza iyo Daanta Galbeed.
Shalay ayaa Boqor Cabdallaha Labaad waxa uu magaalada Cammaan ku qaabilay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, waxa uuna xiriir la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, Madaxweynaha Imaaraatka Mohammed bin Zayed iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.
Horseed Media