Boqorka Urdun oo ka digay barakicinta shacabka Falastiin

3 April, 2025

Boqor Cabdalla iyo Ra’iisal-wasaaraha Jarmalka oo shir jaraa’id si wada jir ah ugu qabtay magaalada Berlin ayaa sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Israa’iil ee Marinka Qasa, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu yareynayo musiibada bini’aadantinimo.

Boqor Cabdallaha Labaad ee dalka Urdun ayaa Khamiistii sheegay in barakicinta Falastiiniyiinta ee Marinka Qasa iyo Daanta Galbeed ay ka dhigan tahay khatar ku wajahan xasiloonida gobolka.

Kanaalka Al-Mamlaka ee dalka Urdun ayaa sheegay in tani ay ku timid wadahadal uu Boqor Cabdallaha Labaad maanta magaalada Berlin kula yeeshay Ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz, kaasoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya Jordan iyo Jarmalka ee dhinacyada kala duwan.

Boqorka Urdun ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka Israa’iil ay ka wado Marinka Gaza, isagoo beesha caalamka ugu baaqay in ay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo lagu yareynayo musiibada bini’aadantinimo.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in loo baahan yahay in dib loo soo celiyo xabad joojinta, dibna loo bilaabo gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo ee Qasa.

Horseed Media