Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa habeenimadii xalay ka qayb galay munaasabad ballaaran…

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa habeenimadii xalay ka qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayay buugga “Ismahurto”, oo uu qoray Maxamed Ciise Cismaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaainta Dowladda Puntland. Waxaana uu diiradda ku saaray sooyaalkii iyo taariikhda uu dalka Soomaaliyeed soo maray.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay qoraaga buugga, isagoo xusay in buuggu uu muhiimad weyn u leeyahay kaydinta taariikhda Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyay bahda qoraalka iyo suugaanta in ay sii wadaan hal-abuurka iyo qorista buugaagta dhaxalsiinaya jiilka soo koraya Taariikhda iyo Af-ka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Ku-xigeen H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa xusay in Dowladdu ay garab istaagayso dadaallada kor u qaadaya aqoonta, cilmi-baarista iyo qoraalka, si loo helo bulsho aqoon iyo wacyi sare leh.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, hal-abuurro, aqoonyahanno, iyo qaybaha mala duwan ee bulshada,kuwaas oo dhamaantood boggaadiyay qoraaga iyo buugga cusub ee caawa lagu soo bandhigay caasimada Dowladda Puntland ee Garoowe.



