Bulshada Galdogob oo qaatay go’aan ugub ku ah deegaamada Soomaalida.

27 February, 2026

Boqolaal kamid ah bulshada kunool degmada Galdgob ee gobolka Mudug ayaa boog fagaare ah isugu soo…

Boqolaal kamid ah bulshada kunool degmada Galdgob ee gobolka Mudug ayaa boog fagaare ah isugu soo baxay si ay u daawadaan meydka nin habeen kahor degmadaasi ku diley darawalka gaari xamuul ah, ayna toogteen ciidanka ammaanku kadib markii ehelkiisu saxiixeen in la soo qabto ama la soo dilo.

Xildhibaan Cabdiweli Yuusuf Warsame (Indha-ceel) oo katirsan ehelada ninka laamaha ammaanku toogteen ayaa sheegay in arrintaani ahayd mid lagu badbaadinayey nabadda, sumcadda iyo wada noolaanshaha bulshada degmada oo ku taal goob istaraatiiji ah.

“Nin Masaafur ah oo Magaalada Maraaya kuna safrayey kastamka Tuur-dibi ayuu ninkaasi xilligii suxuurta ku diley Magaalada Galdogob, laba qofna waa ku dhaawacay, ninkaasi oo falal hore soo geystey kadib maamulka, odayaasha dhaqanka iyo shacabka degmadu waxay go’aan ku qaateen dadka dhibaataynaaya in layska qabto ninkaas ayeyna ka bilaabeen odayasha ayaa warqad saxiixay ciidanka ammaankana ku amray in la soo qabto hadduu isdhiibi waayana ay dilaan”, Ayuu yiri Xildhibaan Indha-ceel.

Dhanka kalena, Xildhibaanka ayaa sheegay in tallaabadaani ay ku quusqaadan doonto cidkasta oo ku hawlan falal ammaan xumo iyo sumcadxumaynta bulshada kunool degmada Galdogob iyo deegaamada hoos yimaada.

“Ninkaasi dad maqan oo gobolada Waqooyi ka soo jeeda ayuu dhibka u geystey lagumana qancin karo haddaan meydkiisa saas loo soo bandhigin oo bulshadu marqaanti ka noqon, waana arrin ay ku quusqaadan doonaan dadka kale ee bulshada dhexdeeda dhibaatada ka wada in qof walba halkaas la marsiin doono”, Ayuu yiri xildhibaanku.