Siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo boqolaal kamid ah bulshada Magaalada Garoowe ayaa isugu yimid kulan quraan akhris…

Siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo boqolaal kamid ah bulshada Magaalada Garoowe ayaa isugu yimid kulan quraan akhris ah oo loo sameeyey taliyihii Guuta 2aad ee hawlgalka Hillaac Gen. Axmed Cabdi Cali (Qalyare).
Kulanka oo u badnaa quraan akhris iyo duco ayaa dhammaan dadkii ka qaybgalay ammaaneen doorkii jananku ka qaatay difaaca Puntland iyo hoggaamintiisii intii lagu jirey hawlgalka Hillaac ee buuraleeyda Cal-miskaad.
Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Nugaal oo kamid ahaa dadkii ka qaybgalay kulanka ayaa sheegay in dilkii Jananku uusan joojin doonin baacsiga cadawga ayna Puntland leedahay halyeeyo u aaray maalmo kooban, kadib markii la diley 6 kamid ah kooxdii qaraxa u dhigtay.



