Bulshada Koonfur Galbeed oo iska beriyeelay falal ka dhacay Magaalada Boosaaso.

10 January, 2026

Bulshada ka soo jeedda deegaamada Koonfur Galbeed ee ku sugan Puntland ayaa loogu yeeray inay dowladda…

Bulshada ka soo jeedda deegaamada Koonfur Galbeed ee ku sugan Puntland ayaa loogu yeeray inay dowladda iyo qaybaha bulshada kala shaqeeyaan ammaanka, xasiloonida iyo horumarinta Magaalada Boosaaso.

Suldaanka guud ee bulshada reer Koonfur Galbeed ee ku sugan Puntland, oo ka hadlay munaasabad ka qabsoontay Boosaaso ayaa sheegay inay yihiin dad reer Puntland ayna dhibayso wax walba oo dhibaato ku ah deegaankaan lagu soo dhaweeyey.

“Anaga reer Koonfur Galbeed ma nihin reer Puntland baan nahay, xaflad baan qabsanay cid nagu tiri meeshaan meeshiina ma ahan ma jirto, Koonfur Galbeed waa ka soo jeednaa laakiin reer Puntland ayaan nahay, waxaa danteena ah wixii Boosaaso dan u ah, waxaa na deeqa barwaaqada Boosaaso dhibkeeduna waa na saameeyaa, waa inaan deegaanka wanaagiisa, amnigiisa iyo horumarintiisa ka shaqayno, dadka dhibaatada ka wada qayb kama nihin”, Ayuu yiri Suldaanku.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli ay muddooyinkii dambe sii kordhayeen dhalinyarada ku hawlan falalka ammaanka liddiga ku ah ee Magaalada Boosaaso, iyadoo laamaha ammaanku ku guul-darraysteen waxka qabashadeeda.