Dalladda Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa beenisay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda…

Dalladda Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa beenisay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka oo lagu sheegay in bulshada rayidka ah ee Puntland lagala tashaday wax ka beddelka dastuurka.
Local Business Directory
Bayaan ka soo baxay dalladda ururada bulshada rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa lagu sheegay in aysan marnaba qayb ka noqon wax ka beddelka cutubyadii hore kuwa harsan ee dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya.
Xukuumadda Somalia ayaa maalinimadii shalay shaacisay in wakiilo ka socda ururada bulshada rayidka ah ee Puntland lagu casumey Muqdisho si ay qayb uga noqdaan waxka beddelka lagu sameeyey dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia.





