Bulshada Tasjiic iyo dowladda oo ka shiray dagaalka Daacish.

19 August, 2025

Wafti ka kooban wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa socdaal ku tegey deegaanka Tastiic oo hoostaga…

Wafti ka kooban wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa socdaal ku tegey deegaanka Tastiic oo hoostaga degmada Boosaaso ee xarunta gobolka gobolka Bari.

Waftigaan ayaa bulshada deegaanka kala shiray sidii loo dardar-gelin lahaa dagaalka lagula jiro kooxaha nabaddiidka ah, la shaqaynta ciidanka difaaca iyo wacyigelin laha xiriirta dhiiranaanta bulshada deegaamadaasi.

Wasiirada, Xildhibaanka iyo xubnaha kale ee Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland, oo maalmihii la soo dhaafay laba jibbaarey hawlgallada baacsiga Daacish.

Tasjiic oo ah deegaan ay ka soo jeedaan shaqsiyaad xilal sarsare ka hayey kooxda Daacish ayaa bulshadeedu u istaageen sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen argagixisada dalalka shisheeye uga soo carartay inay gabbaad ka dhigtaan Cal-miskaad.