Koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa markab nooca xamuulka ah oo ku gooshayay calanka dalka Panama ku…

Koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa markab nooca xamuulka ah oo ku gooshayay calanka dalka Panama ku afduubtay xeebaha gobolka Mudug ee Puntland.
Markabkaan ganacsi ayaa la xaqiijiyey inuu ku sii jeedey wadanka Mozambique ee ku yaala koonfurta Afrika, waxaana saaran 16 shaqaale oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin dalalka ay ka soo kala jeedaan.
Ilo wareedyo ku sugan gobolka Mudug ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in kooxda Burcad-badeedda ah ay 24 saacadood kahor inta aysan weerarka geysan ay ka bexeen deegaanka Dhinowda ee gobolka Mudug.
Dhammaadkii todobaadkii hore ayaa koox Burcad-badeed Soomaali ah markab ganacsi uu shidaal u sidey ganacsato Soomaaliyeed ku afduubteen meel ka durugsan biyaha gobolka Bari ee Puntland.



