Burcad-badeed Soomaali ah oo sii daayey markabka Hellas Aphrodite.

8 November, 2025

Burcad-badeed Soomaali ah ayaa sii daayey Markabka Hellas Aphrodite oo ku gooshayay calanka Malta, kadib markii…

Burcad-badeed Soomaali ah ayaa sii daayey Markabka Hellas Aphrodite oo ku gooshayay calanka Malta, kadib markii ay maalin ka hor ka qabsadeen xeebaha badweynta Hindia ee Somalia.

Markabka Hellas Aphrodite oo shidaal ka soo qaaday Hindiya kuna sii jeeday Koonfur Afrika, ayaa kooxdii qabsatay awoodi waayeen inay la wareegaan guud ahaan maamulka Markabka iyadoo ay intaasi u dheerayd inuu ku soo dhawaadey markab dagaal oo qayb ka ah hawlgalka Atlanta ee Midawga Yurub.

Kooxda afduubka geysatey oo ku baraarugsanayd halista kaga imaankarta maraakiibta dagaalka dalalka reer Yurub ayaa go’aansaday inay ka degaan Markabka isla markaana ka baxsadaan goobta si aan gacanta loogu dhigin.

Midawga Yurub ayaa sheegay in kooxaha burcad-badeedda Soomaalidu ay saacad walba afduub ka geysan karaan biyaha caalamiga ah haddii aan laga digtoonaan khataraha dhanka ammaanka biyaha ku gadaaman Soomaaliya.