Burcad-badeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay sii daayeen markabka MV LUTUF, oo wata calanka Cameroon,…

Burcad-badeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay sii daayeen markabka MV LUTUF, oo wata calanka Cameroon, kaddib markii ay tan iyo bartamihii bishan Agoosto, ku haysteen xeebaha gobolka Nugaal, iyagoo ka dalbaday malaayiin dollar oo madax-furasho ah.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ugu dambayn la bixiyey lacag gaareysa 2.5 milyan oo dollar, taas oo keentay in markabka iyo shaqaalihii saarnaa la sii daayo, inkastoo aysan arrintaasi si rasmi ah u xaqiijin shirkadda iska leh markabka iyo dowladda Turkiga oo uu u rarnaa.
Markabkaan ayaa markii la qafaashay kusii jeedey dekedda Magaalada Muqdisho isagoo xamuulka u siday xarunta tababarka ciidamada Turkiga ee TURKSOM, waxaana xoguhu tilmaamayaan inuu sidey hub, qalab isgaarsiineed iyo qalab satellite ah.
Shaqaalaha markabka ayaa la sheegay inay ahaayeen 10 qof ayaa la xaqiijiyey inay ka soo kala jeedaan dalalka Hindia, Turki iyo Georgia, iyo laba ilaalo oo Serbian ah, iyadoo muddadii uu qaffaalaa ay Puntland ku Turkiga ku eedeysay duqeymo dad lagu dilay oo ka dhacay xeebaha gobolka Nugaal.




