Kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ee ka qawlaysta biyaha caalamiga ah ayaa bilaabay xeelado cusub iyo adeegsiga aaladda…

Kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ee ka qawlaysta biyaha caalamiga ah ayaa bilaabay xeelado cusub iyo adeegsiga aaladda casriga ah ee GPS-ka oo u fududeynaya inay si joogto ah ula socdaan dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga ee maraya Badweynta Hindiya.
Tallaabadaan ayaa khuburada ammaanku sheegeen inay sare u qaadday walaaca laga qabo ammaanka xeebaha Soomaaliya iyo kororka falalka burcad-badeednimada ah ee ka dhacaya badweynta India iyo badda-cas.
Ku-xigeenka Agaasimaha Sirdoonka ee Ciidanka Booliska Badda Puntland, Maxamed Muuse Cabulle, ayaa sheegay in qalabkan iyo hub kale ay burcad-badeeddu ka heleen Xuuthiyiinta Yemen, isagoo xusay in tiknoolajiyaddan cusub ay si weyn u fududeysay qorsheynta weerarro ka dhaca meelo ka fog xeebaha Soomaaliya.
Dhanka kalena, Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in burcad-badeedda aysan si gooni ah u shaqeyn, balse ay xiriir la leeyihiin maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto, iyo sidoo kale kooxo xagjir ah oo ka howlgala Geeska Afrika.
Ciidanka ammaanka badaha Puntland ee PMPF ayaa 12-kii Diseembar 2025, gacanta ku soo dhigay doon yar oo lagu tuhunsanaa inay waday kiimikooyin loo adeegsado samaynta walxaha qarxa, waxaana wadey muwaadiniin Soomaali iyo Yemeni ah isugu jira.



