Burkina Faso oo fashilisay afgembi lala damacsanaa Madaxweyne Ibrahim Traore.

7 January, 2026

Dowladda Milatarigu hoggaamiyo ee Burkina Faso ayaa ku dhawaaqday in lagu guulaystay fashilinta afgebi lala damacsanaa…

Dowladda Milatarigu hoggaamiyo ee Burkina Faso ayaa ku dhawaaqday in lagu guulaystay fashilinta afgebi lala damacsanaa madaxweynaha dalkaasi Kabtan Ibrahim Traore.

Wasiirka amniga Burkina Faso Mohamadou Sana, ayaa sheegay in qirshoolka uu soo maleegay hoggaamihii hore ee dalkaas Paul-Henri Damiba, kaas oo Kabtan Traore oo xukunka dalka la wareegey sanadkii 2022-dii.

Wasiirka ayaa sheegay in shirqoolkaasi laga soo maleegey wadanka jaarka la ah ee Ivory Coast oo u adeegaya dowlado shisheeye oo reer galbeedku kaalmaha hore kaga jiraan.

Dowladda Ivory Coast iyo hoggamiyihii hore ee Burkina Faso Paul-Henri Damiba ayaa weli ka hadlin eedeynta ay u soo jeedisay dowladda uu hoggaamiyo Ibrahim Traore.