Kooxo hubaysan oo sheegay inay qabaan tabashooyin maxali ah ayaa saaka jaray tuubooyinka khadka Xambaara (Fiber…

Kooxo hubaysan oo sheegay inay qabaan tabashooyin maxali ah ayaa saaka jaray tuubooyinka khadka Xambaara (Fiber Optic Wireless) shirkadda Golis ee degmada Burtinle oo katirsan gobolka Nugaal.
Goob joogayaal ku sugan degmada Burtinle ayaa HM u xaqiijiyey in kooxdaani ay jareen fiilooyinka internet-ka, taasi oo saamayn xooggan ku yeelatay guud ahaan hanaanka isgaarsiinta Galbeedka gobolka Nugaal iyo guud ahaan gobolka Mudug.
Adeeggaan dableyda hubaysani jartay ayaa laga isticmaali jirey guud ahaan degmooyinka Puntland ee gobolka Mudug, waxaana go’an adeegsiga khadka oo siweyn bulshadu ugu tiirsanayd.
Waa markii 4aad ee soo laabatay dhacdada noocaan ah, mana jiro wax tallaabo ah oo ay dowladdu ka qaadday, iyadoo maalmo kahor degmada Burtinle rag hubaysani xireen isu socodka gaadiidka laamiga weyn ee isku xira guud ahaan gobolada dalka.



