Buundadii Sabiib iyo Caanoole oo duntay 4 bil kadib dhismeheeda.

13 March, 2026

Buundada ku taalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saaka duntay, kadib dayactir…

Buundada ku taalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saaka duntay, kadib dayactir ay dhawaan ku samaysay dowladda federalka ah ee Somalia oo taageero ka helaysa Turkiga.

Buundada ayaa duntey xilli uu dulmarayey gaari nooca xamuulka ah, inkastoo aan si rasmi ah loo werin khasaaraha ka dhashay burburka buundada, gaadiidkii dulmarayey iyo hantidii bulshada deegaanka.

Bishii December 2025 ayay saraakiil ka kala socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkey si rasmi ah xarigga uga jareen buundada kadib markii dib u dhis lagu sameeyay oo ay horay u burburisay kooxda Alshabaab.

Qaar kamid ah bulshada deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in farsamada dhismaha buundadada oo hooseeya uu sabab u yahay burburkaan soo gaarey muddo ka yar 4 bilood oo ay dhisnayd aanna la gaarin xilli roobaadkii gu’ga.