Buuq hareeyey kulankii barlamaanka iyo xildhibaano ku dhaawacmay.

2 February, 2026

Qalalaase xooggan ayaa ka taagan xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Villa Hargeysa, halkaas oo uu ka…

Qalalaase xooggan ayaa ka taagan xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Villa Hargeysa, halkaas oo uu ka socdo muran xooggan oo ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka dalka, oo ay ka soo horjeedaan xildhibaanada mucaaradku.

Mudanayaasha ka soo horjeeda tallaabadaan ayaa gudaha hoolka Baarlamaanka dhex dhigtay kuraas, iyagoo muujinaya diidmada ay u qabaan qorshaha Xukuumadda ee wax ka beddelka Dastuurka iyadoo guddoonka barlamaanku soo xarunta soo dhoobay ciidamo dheeraad ah.

XIldhibaanada maanta diidey tallaabada waxka beddelka dastuurka ee ka soo muuqday warbaahinta waxaa kamid ah Xildhibaan Faysal Wahaabi oo laga soo doorto Puntland iyo Cabdirashiid Xidig oo laga soo doorto Jubbaland.

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaallo muujinaya isku dhacyo dhex maray ciidanka ilaalada Villa Hargeysa iyo xildhibaano ka careysan wax ka beddelka Dastuurka, waxaana jira xildhibaano dhaawac ah oo loo qaaday qaar kamid ah xarumaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

“Sarkaalka ciidanka wataa wuxuu leeyahay waan idin leynaynaa oo amar baan kuqabnaa” Xildhibaano laga soo doorto Puntland oo kahadlaya gudaha Hoolka baarlamaanka