Buuq ka dhashay magacaabistii guddiga doorashada guddoonka barlamaanka Waqooyi Bari.

25 August, 2025

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, ayaa ku dhawaaqay guddiga…

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, ayaa ku dhawaaqay guddiga qabashada doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi.

Latashi iyo dood dheer kadib guddoomiye Aadan Cabdullaahi ayaa cod-geliyey inay doorashada daadihiyaan xubnihii hore ee gudigii maamulay doorashadii guddoomiyaha barlamaanka iyo labadiisa ku-xigeen.

45 xubnood oo kamid ah barlamaanka maamulka Waqooyi Bari ayaa u codeeyey in guddigii hore lagu wareejiyo maamulka doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenkiisa, iyadoo xildhibaanada qaar ka biyo diidey ka bexeen fadhigii golaha.

Magacyada Guddiga

1- Xill Ahmed Cabdi Cali Shire

2 Xill Cali Ismaciil Cabdi Barkuud

3-Xill Cabdi kariim Cali Yuusuf

4-Xill Siciid Dalmar Farah

5-Xill. Mohamed Mohamud Cali

6-Xill Guuleed Mohamed Nuux

7-Xill Ahmed Cali Xuseen