Ehelka Caaqilka Cumar “Wax xiriir ah lama uusan lahayn Argagixisada”

Cali Cabdullaahi Cabdi oo ah walaalka Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi oo duqayn lagu dilay ayaa ka…

13 September, 2025

Cali Cabdullaahi Cabdi oo ah walaalka Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi oo duqayn lagu dilay ayaa ka hadlay sida wax uga dheceen duleedka degmada Ceelbuh ee gobolka Sanaag, Cali oo weli ku sugan goobta dhacdada ayaa sheegay in walaalkiis uu galabta keligii ka baxay degmada Ceelbuh gaarigana lagu dhuftay saddex gantaal.

Walaalka marxuumka ayaa intaas ku daray in dad reer miyi ah oo goobta ka ag dhawaa ay arkeen sida weerarka uu u dhacay isla markaana uu xaqiijiyay in Caaqilka uu kaligiis gaariga saarnaa.

“Lafaha Caaqilka oo keli ah ayaan haynaa cid kale lama socon weligiina xidhiidh lama yeelan kooxaha la raadinayo, Dowladda Puntland ayaan war cad ka sugeynaa” ayuu yiri Cali Cabdullaahi.

Baaris rasmi ah oo ku saabsan sababta duqaynta weli lagama soo saarin inkast goobta gaareen laamaha amniga Puntland balse, Cali ayaa sheegay inay xiriir ay la sameeyeen madaxda amniga iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor Waxa uu sheegay in qoyskiisa iyo bulshada deegaanka ay sugayaan jawaab cad oo ku saabsan cidda ka dambaysay weerarka iyo sababta loo beegsaday Caaqilka.

Duqaymaha diyaaradeed ee laga fuliyo gudaha Soomaaliya waxaa inta badan sameeya ciidamada Mareykanka ee howlgalka AFRICOM kuwaas oo horay uga caawiyay Puntland weeraro ka dhan ah kooxda Daacish intii uu socday dagaalkii Buuraha Calmiskaad. Dhacdadani waxay dhalisay isweydiin badan oo ku saabsan sababta gaariga Caaqilka loo bartilmaameedsaday maadaama walaalkiis sheegay in uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

Geerida Caaqil Cumar ayaa si weyn u saamaysay bulshada ku nool Ceelbuh iyo nawaaxigeeda. Dadka deegaanka ayaa muujiyay cabsi iyo walaac ka dhashay dhacdadan taas oo ahayd duqayntii ugu horreysay ee noocan oo kale ah ka dhacda gobolka Sanaag.