Cabbaas Araghchi oo booqanaya India iyo Pakistan.

4 May, 2025

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araghchi ayaa qorsheynaya inuu toddobaadkan booqdo Pakistan iyo India, taasoo qayb…

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araghchi ayaa qorsheynaya inuu toddobaadkan booqdo Pakistan iyo India, taasoo qayb ka ah la tashiyada Tehraan ee dalalka gobolka, si kor loogu qaado xiriir Tahran ee gobolka.

Wasiirka ayaa waxaa lafilayaa inuu labadaan waddan kala arrinsado kor u qaadista xiriirkooda dhanka ammaanka, siyaasadda iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashigooda soo jireenka ah.

Booqashooyinkan qorsheysan ayaa imaanaya iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhaxeysa labada dal ee ku hubeysan Nukliyeerka kadib weerarkii 22-kii April ka dhacay gobolka Kashmiir ee ay Hindiya maamusho, kaasoo galaaftay nolosha 26 qof.

Hindiya ayaa ku eedeysay Pakistan inay ka dambeysay weerarka, inkastoo Pakistan diidey inay ka dambeysey lamana oga inay Iran ka shaqayn doonto dhex dhexaadinta labada dal.