Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo katirsan barlamaanka waqtigoodu dhammaaday ee Somalia ayaa sheegay in Galmudug…

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo katirsan barlamaanka waqtigoodu dhammaaday ee Somalia ayaa sheegay in Galmudug aysan ahayn Koonfur Galbeed oo kale, ayna kahor imaan doonaan doorashooyinka qof iyo cod ee ay waddo DFS.
Mar uu ka hadlayey banaanbax ay mucaaradka u ballansan yihiin 4-tan bisha 6aad, ayuu si adag ugu hanjabay in ay ka hortagi doonaan tallaabo kasta oo xagooda ay u soo qaado Dowladda Federaalka.
“Galmudug ma aha Baydhabo oo kale, lama xoogi karo, wax aan reer Galmudug doonayn naguma socon karaan, Xasan waqtigiisii waa dhammaaday dalka mas’uul kama ah, 4-ta bisha bal ciidan ha keeno, waa lays arkiye”, Ayuu yiri Cabdi-qaybdiid.
Mucaaradka ayaa ku dhawaaqay inuu dhammaaday muddo xileedkii dowladda federalka ah ee Somalia, xilli ay madaxtooyadu ku doodayso inay haysto muddo xileed hal sano ah oo uu u dammaanad qaadayo waxka-bedelkii dastuurka ee khilaafka xooggan dhaliyey.




