Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland oo saaka ka qarxay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.
Dagaalkaan oo ahaa mid laysu adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan ayaa bilowday kadib markii DFS ay degmadaasi ka dejisey wafti uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan oo dhawaan loo magacaabay agaasimaha Hay’adda NISA ee gobolka Gedo ahna taliyaha Hay’adaha ammaanka ee gobolkaasi.
Maamulka Jubbaland oo qaaddacay imaanshaha Janan ayaa ciidan xoojin ah ku diyaariyey gobolkaa Gedo iyagoo la wareegey xarunta dowladda hoose, xarunta hay’adda jinsiyadah iyo socdaalka iyo saldhigga ciidanka booliska ee Beled-xaawo.
Dhanka kalena, dowladda Puntland ayaa ku eedeysay Madaxda DFS, gaar ahaana Madaxweyne Xassan Sheikh & RW Xamse in ay duulaan ku qaadeen magaalada Balad-Xaawo, iyadoo dagaal looga baahnaa in lagu wajaho Argagixisada, Rasaasta la geeyey Balad-xaawana looga baahnaa in la geeyo gobalka Hiiraan, si Argagixisada loola dagaalamo.
Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Puntland Abdifatah Abdinur ayaa ku eedeeyey in dagaalkan uu halis ku yahay dawladnimada dalka, muujinaya sida ay DFS ugu mashquulsan yihiin madaxdeedu abaabulka dagaalo aan faa’iido keeni doonin, loogana mashquuliyo dagaalkii lagula jiray Argagixisada.
“Ra’iisal Wasaare Hamse iyo Madaxweyne HSM Dagaalka ay saaaka ku qaadeen Balad-Hawo waa nasiibdaro . Waxaan xasuusinayaa in wali uu socdo Dagaalkii Shabaab halisna ku yihiin jiritaanka Dowladdninada. Ciidanka saaka isku nafbaxaayana looga baahnaa in ay reer Hiiraan ka difaacan Cadowga Shabaab”, Ayuu yiri wasiirku.



