Cabdirashiid Janan oo muddooyinkii dambe DFS ugu magacawnaa Taliyaha NISA ee gobolka Gedo ayaa xeradan UK…

Cabdirashiid Janan oo muddooyinkii dambe DFS ugu magacawnaa Taliyaha NISA ee gobolka Gedo ayaa xeradan UK ee degmada Baladxaawo kulan kula yeeshay saraakiisha ciidamadii ka soo horjeedey Jubbaland ee ku sugnaa gobolka Gedo.
Janan oo xuduudka Kenya iyo Somalia kulamo kula yeeshay Madaxda Jubbaland ayaa saraakiisha ciidamada u sheegay in la soo afjaray kala aragti duwanaantii u dhexeysay ciidamada iyo dadka deegaanka, ayna ciidamada ku sugan Baladxaawo tagi karaan Doolow, halka ciidamada Doolowna ay imaan karaan Baladxaawo.
Mid kamid ah suxufiyiinta ku sugan Magaalada Beledxaawo ayaa Horseed Media u xaqiijiyey in ciidamada uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan oo horay uga diiwaangashanaa DFS saaka loo fayliyey qaadashada mushahar uga yimid Maamulka Jubbaland ayna dib ugu biiri doonaan Daraawiishta iyo Booliska maamulka Jubbaland.
Tallaabadaan ayaa ku soo aadaysa xilli uu muddooyinkii dambe jirey khilaaf u dhexeeya Cabdirashiid Janan iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo isku khilaafay hawlgalka Bu’aale, waxaana go’aanka Janan uu garab weyn u noqon doonaa Axmed Madoobe oo ay DFS qaadacday dib u doorashadiisa.




