Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland xilligaanna DFS ugu magacaaban Hay’adaha ammaanka gobolka Gedo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur…

Wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubbaland xilligaanna DFS ugu magacaaban Hay’adaha ammaanka gobolka Gedo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), ayaa soo bandhigay ciidamo uu sheegtay inay ka soo goosteen maamulka Jubbaland, kadib markii uu la wareegey gacan ku haynta inta badan magaalada.
Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo la hadlayey ciidamo uu ku soo dhaweeyey gudaha degmada Beled-xaawo ayaa sheegay inay wixii hadda ka dambeeya ku biiri doonaan NISA isla markaana ay garawsadeen dowladnimada Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
“Soo dhawaada laga bilaabo saacaddaan waxaa hoos tagtaan Hay’adda NISA, xuquuq kastana waxaa ku leedihiin dowladda Soomaaliyeed gaar ahaan Hay’adda NISA”, Cabdirashiid Janan.



