Cabdirashiid Janan oo lagu xayiray Itoobiya ayaa dib loogu soo celiyey Muqdisho.

7 April, 2026

Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland xilligaanna dowladda Somalia ugu magacaaban laamaha ammaanka gobolka Gedo ayaa maanta…

Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland xilligaanna dowladda Somalia ugu magacaaban laamaha ammaanka gobolka Gedo ayaa maanta dib loogu celiyey Muqdisho kadib maalmo uu ku xayirnaa gudaha dalka Itoobiya.

Cabdirashiid Janan oo gacanta ku haya degmada Beledxaawo iyo deegaamo kale oo katirsan gobolka Gedo ayaa lagu sii daayey waanwaan dhex martay dowladda federalka ah ee Somalia iyo xukunka Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Dowladda Somalia iyo Cabdirashiid Janan ayaa jihooyin badan u maray sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen dgemada Doolow oo kujirta gacanta Jubbaland oo taageero ka helaysa ciidanka dowladda Itoobiya ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Africa ee Soamlia.

Garoonka diyaaradaha Doolow ayaa weli xiran iyadoo dowladda federalka ah ee Somalia ku doodayso in gacanteeda lagu soo wareejiyo, halka Jubbaland ay sheegtay inaysan middaasi dhankeeda suuragal ka noqon doonin.