Cabdirashiid Janan oo shaaciyey sababta uu ugu biiray Maamulka Jubbaland.

Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland ahaana Taliyihii NISA ee gobolka Gedo ayaa maanta ku dhawaaqay inuu…

11 August, 2026

Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland ahaana Taliyihii NISA ee gobolka Gedo ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ku biiray maamulka Jubaland, kaddib wadahadallo muddo u socdey isaga iyo xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Cabdirashiid Janan oo la hadlayey ciidamo ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in isaga iyo mas’uuliyiinta Jubaland ay ka heshiiyeen kala aragti duwanaantii dhinacyada u dhexeysay, ayna isla qaateen inaysan jirin cid loo haysto cadaawad gaar ah.

Janan ayaa sheegay in go’aanka uu qaatay uu qeyb ka yahay dadaallo lagu mideynayo ciidamadii iyo dhinacyadii horey ugu kala aragti duwanaa arrimaha maamulka iyo amniga gobolka Gedo, kadib markii ay DFS dayacday gobolka iyo qorshihii horumarinta ee uu kula hawlgelijirey.