Cabdiraxmaan Cirro ayaa noqonaya Madaxweynihii 6aad ee maamulka Somaliland ee Waqooyi-Galbeed Soomaaliya.
Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay maanta in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) murashaxa xisbiga mucaaridka ah ee Wadani uu ku guulaystay doorashadii Madaxweynaha, isagoo helay codad ka badan 407-kun oo u dhiganta 63.9%.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa noqonaya Madaxweynihii 6aad ee maamulka Somaliland ee Waqooyi-Galbeed Soomaaliya.
Xisbi Xaakimkii Kulmiye iyo murashaxooda Madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi ayaa helay codod gaaraya 225-kun oo u dhiganta 34.8%.
Xisbigii UCID ayaa helay 0.4% codadka, isla markaana lumiyey aqoonsigii xisbinimada.
Sadexda xisbi ee Somaliland ayey ku guuleysteen Wadani, Kaah iyo Kulmiye.
Madaxwenaha cusub Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku dhashay magaalda Hargeysa 1955-kii, 1978 illaa 1981 wuxuu ka soo shaqeeyay hay’ad la oran jiray horumarinta danwadaagaha Soomaaliya, 1981 ilaa 1988 wuxuu ahaa dibloomaasi ka howlgala wasaaradda arrimaha dibedda ee Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa 1988 illaa iyo 1996 wuxuu ahaa ku-xigeenka danjiraha iyo sii hayaha safaaradii Soomaaliya ee Moscow ee dalka Ruusha.
Kadib burburkii dowladdii Soomaaliyeed 1991, waxa uu ka mid noqdey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Finland halkaas oo ay ku noolaayeen isaga iyo qoyskiisuba.
Sooyaalkiisa siyaasadeed ee Somaliland ayaa ka soo bilaama 2000, markaas oo uu ka mid ahaa asaasayaashii Xisbiga UCID ee uu guddoomiyaha ka ahaa Faysal Cali Waraabe, xisbigaas oo hadda meesha ka baxay. Sanadkii 2005 waxa uu ka mid noqdey mudanayaashii loo doortey Baarlamaanka Somaliland, waxaana uu noqdey Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland. 2005-2017.
Sanadkii 2010 waxa uu isaga baxay Xisbiga UCID waxaana uu sameeyey urur siyaasadeedka waddani, waxaana uu ka qaybgalay doorashooyinkii ururada siyaasadda Somaliland ee la qabtey sanadkii 2012, markaas oo Waddani isu beddalay Xisbi Qaran. Xisbiga Waddani ayaa gaarey guulo waaweyn doorashadii 2021 ee baarlamaanka Somaliland iyo goloyaasha deegaanka.
Horseed Media