Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan la yeeshay Major General Claude K.…

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan la yeeshay Major General Claude K. Tudor Jr., oo ah Taliyaha Ciidamada Hawl-gallada Gaarka ah ee Maraykanka ee Afrika (SOCAFRICA), iyo wefti uu hoggaaminayey.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo danaha istaraatiijiga ah ee ay wadaagaan Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan sugidda amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo guud ahaan xasilloonida Geeska Afrika.
Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa ugu horrayn uga mahadceliyey Major General Claude K. Tudor Jr. iyo weftigiisa booqashada ay ku tageen Somaliland, isaga oo tilmaamay in kulanka uu ka tarjumayo muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta dhinaca amniga.
Intii uu socday kulanka, Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay in ka badan 850 kiiloomitir oo xeeb ah oo ku teedsan marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas, Bab Al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed, isagoo xusay in ilaalinta amniga xeebahaasi ay qayb muhiim ah ka tahay amniga gobolka iyo kan caalamkaba.
Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay ku naaloonaysay nabad iyo xasillooni muddo ka badan 35 sano, isla markaana ay leedahay hay’ado dowladeed oo shaqaynaya iyo hannaan siyaasadeed oo dimuqraadi ah.
Waxa kale oo uu caddeeyey in Somaliland ay diyaar u tahay inay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay ciidamada iyo hay’adaha amniga ee Maraykanka, si wadajir ahna looga hortago argagixisada, budhcad-badeedda, dambiyada abaabulan iyo khataraha kale ee saamaynta ku leh nabadda iyo amniga gobolka.
Dhankiisa, Major General Claude K. Tudor Jr. ayaa sheegay in Maraykanka iyo Somaliland ay wadaagaan dano amni oo muhiim ah oo khuseeya berriga iyo baddaba. Waxa uu xusay in xasilloonida Geeska Afrika iyo sugidda amniga marin-biyoodka caalamiga ahi ay yihiin mudnaan ay labada dhinac si weyn u danaynayaan.






