Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay inuu Somaliland u soo bandhigay caalamka.

16 February, 2025

Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo Hargeysa dib ugu soo laabtay ayaa ka warbixiyey…

Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo Hargeysa dib ugu soo laabtay ayaa ka warbixiyey safarkiisii dalka Imaaraadka Carabta iyo sharar uu kaga qaybgalay Dubai.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in muddadii uu ku sugnaa Imaaraadka ay suurto gashay inay la kulmaan siyaasiyiin, ganacsato iyo daneeyayaasha Somaliland ayna kala hadleen sidii ay maalgashi ugu samayn lahaayeen maadaama uu deegaankiisu lee yahay khayraad dabiici ah oo ka faa’iidaysi u baahan.

“Waxaannu dunida u soo bandhignay inaynu nahay dal hodon ah, waxaynu u sheegnay in albaabadeenu u furan yihiin maalgashiga Caalamka, waxaana rajaynayaa in imbadan oo kamid ah dunidu imaan doonto Somaliland”, Ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Dhanka kalena, Madaxweyne Cirro wuxuu sheegay inuu caalamka u sheegay inay yihiin dal jiri jirey, ayna rajo ka qabaan in qaybo dunida kamid ah u aqoonsan doonaan dal madax banaan.

” Waxayna u sheegnay dunida siyaasiyan halkaynu taaganahay inaynu nahay daljirey inshallaah kamid noqonaya dalalka mustaqbalka ee dhaw haddii Alle yiraahdo”, Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.