Musharaxa madaxweynaha maamulka SSC KHATUMO Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi, shirka…

Musharaxa madaxweynaha maamulka SSC KHATUMO Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi, shirka dhammaystirka dhismaha maamulkaasi iyo doorashooyinka.
Cabdirisaaq Khaliif ayaa ugu horrayn ugu baaqay hoggaanka maamulka SSC KHATUMO in xilligooda lagu qabto doorashooyinkii barlamaanka iyo madaxtinimada, isagoo ka digey faragelinta dowladda federalka ah ee Soomaaliya.
“Muddadaa yar ee 25 cisho ah waa in lagu qabtaa dhammaystirkii maamulka, in shirweynihii la qabto, in la soo xulo xubnihii barlamaanka shir guddoonkoodiina ay doortaan iyo in Mweynihii iyo ku-xigeenkiisii la doorto, dowladda Federalka ah doorkeedu waa indha-indhayn iyo taakulo, wixii ka baxsan ee marin habaabin ah waa mid aan la aqbali karin, waxaa xaq u leh shirkaas xukuumadda, isimada, dadweynaha iyo musharixiinta”, Ayuu yiri Cabdirisaaq Khaliif.
Dhanka kalena, Siyaasi Cabdirisaaq ayaa sheegay in astaamaha shirka ee xilligaani ay muujinayaan in cid gaar ah qol isku soo xirayso, isagoo ka digey cidkasta oo shirweynaha wadadiisa ka leexinaysa.
“Shirka aan muuqan qaabkii loo qaban lahaa, wuxuu u muuqdaa cid gaar ah inay doonayso inay qol madaw gasho, qol madaw ka socon maayo halkaan, waxaan isla ogaanaynaa cidkasta oo marinkiisa ka leexisa shirweynahaasi wixii ka dhashana ay qaadi doonto”, Ayuu yiri markale Khaliif.



