Cabsi ka taagan kulanka barlamaanka ee waxka beddelka dastuurka.

7 February, 2026

Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ayaa maanta u ballansan ka doodista waxka beddelka cutubyada 5aad…

Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ayaa maanta u ballansan ka doodista waxka beddelka cutubyada 5aad iyo 9aad ee dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka, xilli ay horay u fashilmeen laba kulan oo goluhu arrintaan uga ballansanaa.

Guddoonka barlamaanka ayaa ka mamnoocay inay soo xaadiraan kulamadaan xasaasiga ah in ka badan 40 mudane oo katirsan labada aqal, halka kuwa kalena loo diray digniin iyo ganaax maaliyadeed.

Qaar kamid ah xildhibaanada mucaaradka oo xalay ku shiray Muqdisho ayaa qaadacay go’aanka guddoonka barlamaanka oo ay ku sheegeen mid aan sharci ahayn aysanna u hoggaansami doonin, ayna tegi doonaan xarunta golaha shacabka.

Ciidamo boolis ah iyo xildhibaanada mucaaradka ayaa hadda kuwada sugan xarunta golaha shacabka, waxaana muuqaalo la soo baahiyey muujinayaan hanjabaado ay hawada isu marinayaan.

Siyaasiyiinta mucaaradku waxay ku eedeeyeen guddoonka barlamaanka in tallaabadaan uu u qaaday meelmarinta doonitaanka Villa Somalia, iyadoo meesha laga saarayo cidkasta oo ka aragti duwan ama dood ka keenta qorshaha waxka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia.