Cal-madaw: Horjooge katirsan Alshabaab ayaa isku dhiibey ciidamada Puntland.

25 February, 2025

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ee ku sugan saldhigga Af-urur ee gobolka Bari ayaa soo bandhigay horjooge…

Ciidamada difaaca dowladda Puntland ee ku sugan saldhigga Af-urur ee gobolka Bari ayaa soo bandhigay horjooge katirsanaa kooxda nabaddiidka ah ee Alshabaab oo go’aanaday inuu isku dhiibo dowladda.

Horjoogahaan oo lagu Magacaabo Nuur ayaa ciidamada isku dhiibey xilli ay hawlgal ka samaynayeen buuraleeyda Cal-madaw ee gobolka Bari, waxaana uu sheegay inuu si iskiis ah u go’aansaday inuu ka boxo Alshabaab iskuna dhiibo dowladda.

Sarakiisha hoggaaminaysa ciidamada ayaa warbaahinta u sheegay in cid walba oo ka faa’iidaysata cafiskii madaxweynuhu uu u furan yahay Alshabaabta ku sugan buuraleeyda Cal-madaw.