Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Cali Xoosh ayaa sheegay in doorashooyinka soo socda ee dalka uu…

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Cali Xoosh ayaa sheegay in doorashooyinka soo socda ee dalka uu ka ilaalin doono faragelin siyaasadeed isagoo sheegay in dowladdu ay ku howlan tahay qabashada doorasho madax bannaan oo lagu kalsoonaan karo. Wasiirku wuxuu xusay in dowladda Xasan Sheekh ay doonayso in shacabka Soomaaliyeed ay helaan fursad ay codkooda si xor ah u dhiibtaan.
Cali Xoosh ayaa sheegay in nidaamka doorashada qof iyo cod uu yahay mid muhiim ah oo dalka u horseedi kara dimuqraadiyad dhab ah, inkastoo mucaaradka iyo maamullada Puntland iyo Jubbaland ay weli diidan yihiin qaabka ay dowladda wax u waddo oo ay diwaangelinta codbixiyayaasha ay ka socdaan maamulada qaar, isla markaana la qorsheynayo in doorashooyinka golayaasha deegaanka, baarlamaanka iyo madaxtinimada ay qabato dowladda federaalka.
Xoosh Ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka inay ka faa’iidaystaan fursadda bannaan ee ay hadda haystaan si ay uga qaybqaataan tartanka doorashada halkii ay ka istaagi lahaayeen meel diidmo ah. Wuxuu sheegay in dowladdu ay u aragto tartan furan oo ay ku mideysan yihiin dhammaan ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan.
Cali Xoosh ayaa si gaar ah u bogaadiyey ururrada siyaasadeed ee horey isku diiwaangeliyey isagoo sheegay inay tusaale wanaagsan u yihiin hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee ay dowladdu hiigsanayso. Wuxuu ku adkeeyay in la dhowro xasiloonida iyo kalsoonida dadweynaha, si looga fogaado xiisad siyaasadeed oo carqaladeyn karta doorashada.
Doorashada la filayo ayaa ku soo beegmeysa xilli ay weli jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada qaarkood, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo xilkiisa uu ku egyahay 15 May 2026, ayaa wajahaya mucaaradad sii xoogeysaneysa, iyadoo mucaaradku ku eedeeyeen inuu doonayo in uu muddo kororsi sameeyo. Si kastaba, mucaaradku waxay ku baaqeen wadahadal qaran oo lagu mideeyo go’aanka doorashada dalka.



