Cali Xoosh oo amray maamulka Waqooyi Bari inaysan qaabilin Mucaaradka Somalia.

2 September, 2025

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa awaamiir culus hordhigay dowlad goboleedka Waqooyi Bari…

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa awaamiir culus hordhigay dowlad goboleedka Waqooyi Bari Somalia ee dhawaan laga dhisay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Cali Xoosh oo sheegay inuu soo dhammaaday shirkii dhismaha maamulka Waqooyi Bari ayaa uga digey inay soo dhaweeyaan cidkasta oo mucaarad ku ah dowladda federalka ah ee Somalia.

Waxa uu sheegay in Muqdisho uu ka socdo mucaarad ka dhan ah dowladda Somalia loogana gacan haatinayo deriska Waqooyi Bari (PUNTLAND), haseyeeshee ay Laascaanood imaan karaan dadka Soomaaliyeed ee taageersan DFS, loona baahan yahay in maamulka Waqooyi Bari u jawaabo deriskiisa mucaaradka ku ah Villa Somalia.

“Xamar Mucaaradad baa ka socota, agtiinay imaanaysaa deegaanadii aad ehelka ahaydeen ayaa looga durbaan tumayaa, Laascaanood waxaa imaan doonta umadda Soomaaliyeed ee federalka taageersan, agagaarkiina mucaarada imaan doontana waa inaa ka jawaabtaan”, Ayuu yiri Cali Xoosh.