Cali Xoosh oo beeniyey inuu iskacasilayo xilka Wasiirka arrimaha gudaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si cad…

23 July, 2026

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si cad u beeniyay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo lagu sheegay inuu iska casilayo xilka wasiirnimo ee uu hadda hayo.

Qoraal uu wasiirku soo saaray ayuu ku sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan waxba ka jirin, isagoo carrabka ku adkeeyay inuusan jirin qorshe uu xilka uga degayo, ayna wararkaasi yihiin been-abuur aan sal iyo raad toona lahayn.

Wasiir Cali Xoosh ayaa sidoo kale ku eedeeyay dadka faafiyay wararkaas inay yihiin shakhsiyaad isu ekaysiinaya wariyeyaal, kuwaas oo uu sheegay inay bulshada ku marin habaabiyaan warar aan xaqiiqo ku dhisnayn.

“Wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee sheegaya in aan masuuliyadda aan qaranka u hayo iska casilayo waa been-abuur, sal iyo raad toona ma leh,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

“Been-abuurkaas waxaa sameeyay shaqsiyaad isu ekaysiinaya wariyeyaal, oo ku shaqeysta wararka been-abuurka iyo marin habaabinta bulshada”, Ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh oo ka falceliyey wararka laga faafiyey.