Cali Xoosh oo Somaliland iyo Waqooyi Bari ka dalbaday inay heshiiyaan.

24 October, 2025

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federalka ah ee Somalia Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka hadlay arrimaha…

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federalka ah ee Somalia Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa ka hadlay arrimaha maamulka Somaliland, Waqooyi Bari iyo guud ahaan deegaamada Puntland.

Cali Xoosh ayaa ugu horrayn ugu baaqay hoggaanka maamulka Somaliland iyo Waqooyi Bari inay shacabka u daneeyaan isla markaana ay ka heshiiyaan xiisadda ka dhex aloosan, si maxaabiista laysu dhaafsado isu socodkana laysugu furo.

“Somaliland iyo Waqooyi Bari labada Maamul ba waa inay heshiiyaan oo masaalixda ku heshiiyaan shacabkana u turaan ayaa Laga rabaa”, Ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Dhanka kalena, Wasiir Cali Xoosh oo la waydiiyey inuusan tegi karin Magaalada Garoowe ee laga soo doorto, ayaa sheegay inuu booqan karo aysanna jirin cid u diidi karta sida uu hadalka u dhigay,“Garowe waan tagidoonaa Cid iga hor istaagi kartaana ma jirto.”