Calmiskaad: Mareykanka oo Duqayn Cusub Ka Fuliyey Togga Baallade

18 November, 2025

Mareykanka ayaa caawa duqayn culus ka fuliyey togga Baallade ee Buuraha Calmiskaad, taas oo lagu bartilmaameedsaday…

Mareykanka ayaa caawa duqayn culus ka fuliyey togga Baallade ee Buuraha Calmiskaad, taas oo lagu bartilmaameedsaday meelaha lagu tuhunsan yahay inay ku dhuumaalaysanayaan firxadka kooxda Daacish. Duqayntan ayaa qeyb ka noqotay iskaashiga caalamiga ah ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in duqayntu ay dhacday xilli ay socdaan hawlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada Puntland ka wadeen calmiskaad, gaar ahaan howlgalka lagu magacaabo Hilaac. Ilo-wareedyo amni ayaa sheegay in meelaha la garaacay ay ahaayeen godad ay kooxda ku dhuumaalaysatay.

Ciidamada Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay kordhiyay dhaq-dhaqaaqa ay ka wadaan Baallade, iyagoo sheegay in kooxda Daacish ay ku soo ururtay goobo kooban oo ay ku difaacayaan xubnaha harsan muhiimka u ah. Duqaynta Mareykanka ayaa lagu sheegay inay gacan ka geysan karto jabinta awoodda kooxda.

Illaa hadda ma jiro war madax-bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay weerarka, hase yeeshee saraakiil amni ayaa sheegay in ay socoto baaritaan ku saabsan natiijada duqaynta iyo khasaaraha ka dhashay. Waxaa la rumaysan yahay in halka la beegsaday ay ahaayeen goob muhiim u ahayd kooxda.

Dhanka kale, Puntland ayaa ku adkaysatay in howlgallada ka socda Baallade ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtiro dhammaan xubnaha Daacish ee ku harsan gobolka, iyadoo duqaynta caawa dhacday ay u muuqato mid xoog cusub ku soo kordhinaysa howlgalka Calmiskaad.