Calmiskaad: Taliye Qalyare oo Qarax miino lagu dilay.

Gen. Axmed Cabdi Cali-Qarjab (Gen. Qalyare) oo ahaa Taliyihii Guutada labaad ee ciidanka difaaca Puntland ayaa…

23 September, 2025

Gen. Axmed Cabdi Cali-Qarjab (Gen. Qalyare) oo ahaa Taliyihii Guutada labaad ee ciidanka difaaca Puntland ayaa ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay deegaanka Dhasaan ee buuraleyda Calmiskaad. Qaraxa ayaa sidoo kale sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamo la socday taliyaha.

Gen. Qalyare wuxuu ka mid ahaa saraakiisha hoggaaminayay dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraleyda Calmiskaad. Kaalintiisa hoggaamineed ayaa lagu xasuusan doonaa dagaallada adag ee halkaas ka socda.

Geerida Gen. Qalyare ayaa ku soo beegantay xilli Puntland ay dagaalka Daacish ku weyday saraakiil kale oo muhiim ah, dagaal muddo sanad ku dhow socday.

Kooxda Daacish ayaa haatan u tiirsan qaraxyada lagu aaso wadooyinka, kaddib markii looga adkaaday dagaalka fool-ka-foolka ah. Waxay isku uruursadeen togga Baallade halkaas oo ay weli ka dhigaan miinooyin ay ku beegsadaan ciidamada Puntland.