Cambaareyn ka dhalatay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday xarunta UNRWA ee Bariga Qudus

8 December, 2025

Ciidamada Israa’iil ayaa weeraray xarunta Hay’adda Gargaarka iyo Shaqada ee Qaramada Midoobay ee Qaxootiga Falastiin (UNRWA) ee Bariga Qudus ee la haysto, iyagoo qabsaday alaab isla markaana calanka Qaramada Midoobay ku beddelay calanka Israa’iil.

Bayaan lagu shaaciyey barta X ee guddoomiyaha guud ee hay’adda UNRWA, Philippe Lazzarini, ayaa lagu sheegay in booliiska Israa’iil, oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta dowladda hoose, ay si qasab ah ku galeen xaruntooda xaafadda Sheikh Jarrah subaxnimadii hore ee Isniinta.

Lazzarini wuxuu sheegay in tani ay ka dambeysay “bilo badan oo dhibaateyn ah oo ay ku jiraan weerarro dab-qabadsiin ah oo xaruntaas lagu qaaday sannadkii 2024, mudaharaadyo nacayb iyo cabsi gelin ah oo ay sameenayeen yahuuda xagjirka ah, iyo sidoo kale sharci ka dhan ah UNRWA oo uu ansixiyay baarlamaanka Israa’iil taasoo jebinaysa waajibaadka caalamiga ah ee saaran”.

UNRWA ma aysan isticmaalin dhismaha tan iyo bilowgii sanadka kadib markii mas’uuliyiinta Israa’iil ay ku amreen hay’adda inay ka baxdo dhammaan dhismaheeda oo ay joojiso howlaha ka socda gudaha dhulka la heysto.

Israa’iil waxay UNRWA ka mamnuucday inay ka shaqeyso dhulka Falastiin kadib markii ay sheegtay in qaar kamid ah shaqaalaha ay ka qayb qaateen weerarkii ay Xamaas hoggaaminaysay ee koonfurta Israa’iil Oktoobar 7, 2023.

UNRWA way beenisay eedeymaha, halka bishii Oktoobar Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ay soo saartay go’aan ah in eedeymaha Israa’iil ee ka dhanka ah UNRWA aan loo heyn wax cadeyn ah.

Si kastaba ha ahaatee, eedeemahan Israa’iil ayaa keenay in xulafadooda Mareykanka oo ah deeq-bixiyaha ugu weyn ee UNRWA, inuu joojiyo maalgelinta hay’addaasi.