Musharaxa mucaaradka Cameroon Issa Tchiroma ayaa ku dhawaaqay guusha galinkii dambe ee Isniintii doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi 12-kii Oktoobar, isagoo ku booriyay madaxweyne Paul Biya inuu aqbalo guuldarada iyo “natiijadda runta ah ee sanduuqa codbixinta”.

Tchiroma, oo 76 jir ah, horena u ahaa afhayeenka dawladda iyo wasiirka shaqada, ayaa ka goostay xukuumada Madaxweyne Biya horraantii sanadkan, waxaana uu qaaday olole balaaran, isagoo taageero ka helay isbahaysiga xisbiyada mucaaradka iyo ururada rayidka ah.
Madaxweyne Biya, oo 92 jir ah, ahna madaxa ugu da’da weyn caalamka, ayaa doonaya in uu markii 8aad qabto xilka madaxtinimo ee dalkaasi 43 sano ka dib.
Falanqeeyayaasha ayaa filayey inuu rajo lahaa Madaxweynaha maadaama uu gacanta ku hayo hay’adaha dawliga ah iyo mucaaradka kala qaybsanaa, inkasta oo ay sii kordhaysay niyad-jabka dadweynaha ee ku aaddan dib-u-dhac dhaqaale iyo amni-darrada dalkaasi.
Dawladdu si rasmi ah ugamay jawaabin ku dhawaaqida Tchiroma.
Sharciga doorashada Cameroon ayaa ogol in natiijada la daabaco laguna dhejiyo goobaha cod bixinta, balse tirinta ugu danbeysa waa inay ansixiyaan golaha dastuurka oo heysta ilaa 26ka Oktoobar si uu ugu dhawaaqo natiijada.



