Gobolka Ontario ee dalka Canada ayaa maanta ku dhawaaqay mamnuucida shirkadaha Mareykanka ee qandaraasyada dowladda oo gaaraya tobanaan balaayiin dollar, taasoo jawaab u ah ciqaabta canshuuraha uu soo rogay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Gobolka Ontario oo ah gobolka ugu dadka badan Canada iyo xarunta dhaqaalaha ayaa Isniintii ku dhawaaqay mamnuucida shirkadaha Mareykanka ee doonaya qandaraasya waaweyn oo tobanaan balaayiin doollar ee dowlada, waxayna laaleen heshiis ay la galeen shirkadda Elon Musk ee Starlink si ay uga jawaabaan canshuuraha Mareykanka.
Shirkada Dayax gacmeedyada ee Starlink ayey ahayd inay bilowdo adeegyada internetka waqooyiga Ontario laga bilaabo bisha Juunyo.
Dukaamada Ontaariyo ayaa sidoo kale bilaabay isniintii joojinta iibinta khamriga laga keeno Maraykanka. Dhawr gobol oo kale oo Kanada ah oo ay ku jiraan Quebec, Nova Scotia iyo British Columbia ayaa isla sidaas samaynayay.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu maanta kala hadlay Ra’iisul Wasaare Kanada Justin Trudeau canshuuraha uu ku soo rogay, isaga oo intaa ku daray in ay mar kale wadahadli doonaan maanta gelinka dambe.