Canada oo cambaaraysay go’aankii Maraykanku ku celiyey Cumar Cartan.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda iyo siyaasadda dalka Canada ayaa si weyn uga falceliyey go’aankii…

10 June, 2026

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda iyo siyaasadda dalka Canada ayaa si weyn uga falceliyey go’aankii lagu celiyey garsooraha Soomaaliyeed ee FIFA, Cumar Cartan, iyagoo ku baaqay in loo oggolaado inuu garsooro ciyaaraha ka dhacaya Canada inta lagu guda jiro tartamada caalamiga ah.

Duqa magaalada Olivia Chow, siyaasiga mucaaradka ah ee gobolka Ontario Marit Stiles, iyo Ra’iisul Wasaaraha gobolka David Eby ayaa si wadajir ah u muujiyey sida ay uga xun yihiin in Cartan loo diido dal-ku-galka Mareykanka, iyagoo ku baaqay in Canada ay fududeyso ka qeybgalka garsooraha Soomaaliyeed ee tartamada lagu qabanayo dhulkeeda.

Taageerada loo muujinayo Cumar Cartan ayaa si weyn ugu faaftay baraha bulshada iyo warbaahinta caalamka, iyadoo dad badan ay ku tilmaameen dhacdadan mid dhaawacaysa ruuxda isboortiga iyo wadajirka caalamiga ah ee kubadda cagta.

Dhanka kale, waxaa maanta la filayaa in Garsoore Cumar Cartan uu ka soo dego magaalada Muqdisho, halkaas oo indhaha lagu wada hayo sida ay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ciyaaraha iyo taageerayaasha kubadda cagta, u soo dhoweyn doonaan garsooraha loo aqoonsan yahay mid ka mid ah kuwa ugu wanaagsan qaaradda Afrika.