Canada: Ra’iisul wasaaraha Carney oo ku guuleystey doorashada

29 April, 2025

Mark Carney ayaa sheegay in Canada ay “ku guuleysan doonto dagaalka ganacsiga ee Mareykanka” ka dib markii uu ku guuleystay doorashada.

Xisbiga Liberal-ka ee Ra’iisul Wasaare Mark Carney ayaa ku guuleystay doorashadii federaalka ee Canada, sida laga soo xigtay saadaasha Talaadadii ay sameeyeen warbaahinta Canada ee CTV iyo CBC News.

Ka dib guushiisii, Carney wuxuu u sheegay taageerayaashiisa in Kanada ay “ku guuleysan doonto dagaalkan ganacsi” ee Mareykanka.

“Waan ka soo gudubnay naxdintii khiyaamadii Mareykanka, laakiin waa inaan marnaba iloobin casharrada,” Carney ayaa yiri, isagoo ka digay inay jiraan maalmo adag oo soo socda.

Hadalada Trump ee ku saabsan Kanada inay noqoto gobolka 51aad ee Maraykanka ayaa door ka ciyaaray intii uu socday ololaha. Trump ayaa sidoo kale ku celiyay baaqa maalinta doorashada.

Hogaamiyaha mucaaradka ee Muxaafidka Pierre Poilievre oo kamid ah saaxiibada Trump, ayaa qirtay guuldarada ka dib markii uu ku guuldareystay inuu soo afjaro awooda xisbiga Libaraalka.

Ilaa hadda ma cadda, in xisbiga Libaraalka uu heli doono 172 ka mid ah 343 kursi ee Baarlamaanka. Libaraalka ayaa hogaaminayay 161 degmo iyadoo xisbiga Muxaafidka uu hogaaminayo 150 degmo.

Xisbiga New Democratic Party (NDP), oo ka mid ahaa isbahaysiga talada haya muddo afar sano ah, ayaa taageeradiisa hoos u dhacday, isagoo hoos uga dhacay 24 kursi, waxaana la saadaaliyay inuu helayo 8 kursi. Hogaamiyahooda Jagmeet Singh ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu xilka ka dago kadib markii la magacaabo hogaamiye ku meel gaadh ah.