Canada: Shil diyaaradeed oo ay ku dhaawacmeen 18 qof

18 February, 2025

Diyaarad rakaab ah ayaa ku burburtay Toronto, iyadoo 80-ka qof ee rakaabka ahaa ay si dirqi ah uga badbaadeen masiibada.

Diyaarad ay leedahay shirkadda Delta ayaa ku rogmatay dalka Canada xilli ay Isniintii ku degeysay garoonka diyaaradaha ee Toronto Pearson, kadib dabeylo halkaas ka dhacayey, waxaana ku dhaawacmay 18 kamid ah 80 qof oo la socday, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Saddex qof oo saarnaa diyaaradda, kuwaas oo ka yimid magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus oo uu ku jiro hal cunug, sida ay saraakiishu sheegeen.