Hadalkii uu shalay magaalada Laascaanood ka jeediyay Wasiirka Ganacsiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Md. Mohamood Ahmad…

Hadalkii uu shalay magaalada Laascaanood ka jeediyay Wasiirka Ganacsiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Md. Mohamood Ahmad Adan “Geesood”, wuxuu ahaa mid meel ka dhac ku ah sharafta mansabka uu hayo iyo matalaadda shacabka reer Puntland, gaar ahaan Sanaag iyo Haylaan.
Wasiirka ayaa si cad u muujiyay fikir xag-jir ah oo ku saleysan cunfi iyo qabyaalad, kuna wajahan kicin colaadeed iyo carqaladeynta Hawlgalka “Onkod” ee Puntland ugu jirto ciribtirka Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya Sanaag iyo Haylaan.
Wasiirka, hadalladiisa kala qaybinaya bulshada, kicinaya nacaybka, kuna saleysan been abuur siyaasadeed, waxay muujinayaan waaqici xun oo uu u adeegsaday xilkii la siiyay.
Waxaa nasiib darro ah in xubin laga soo doortay Puntland, lagana dhigay wasiir heer federaal, uu si bareer ah u caayo beelaha uu matalo, kana shaqeeyo burburinta nidaamka Puntland oo ka mid ah dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka ee Soomaaliyeed oo sharciyad buuxda leh.Waxaan xasuusinayaa wasiirka in gobollada Sanaag iyo Haylaan ay yihiin qayb ka mid ah Puntland, doorashooyin xor ahna laga qabtay sanadkii 2023.
Dadaalka aad ugu jirto in aad xaqirtid iyo khiyaano siyaasadeed kula kacdo shacabka kugu aaminay kursiga #HOP157, waxay muujineysaa mas’uuliyad darro siyaasadeed. Hadallada iyo ficilada aad ku caan baxay muddadii aad xilka haysay waxay asal u yihiin fikirka xag-jinimada ee ku saleysan cunfiga, adeegsiga qabyaalada, hanjabaada, isku dirka, iska horkeenida bulsho, aflagaadeynta beelaha, bixinta laaluush, abuurida xaalada lagu barakacinayo shacabka iyo abuurida xaalado amni-darro, maaha kuwo la aqbali karo. Xilka aad haysato waxaad u adeegsatay dano gaar ah iyo siyaadado guran oo lid ku ah geedi-socodka dawlad dhiska, midnimada, wadajirka iyo amniga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland, khaasatan reer Sanaag iyo Hayland.
Waxaan baaq u dirayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Villa Somalia oo aan leeyahay: Madaxweyne, fursad aad weli wax ku sixi kartid baad heysataa ee ha iska khasaarin, umadda Soomaaliyeedna wey ka daashey siyaasaddo ku saleysan damaca shaqsi iyo ila-meereysi.
Ogow Mudane Madaxweyne, in maanta ay taarikhda aad ka tagi doono aad adiga dooran karto waxa ay noqon doonto taariikhdaas.
Wabillahi Tawfiiq
Maxamed Cabdulqaadir Saalax (Doonyaale)
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Dawladda Puntland.



