Mareykanka ayaa ku dhawaaqay canshuuro cusub oo saameynaya in ka badan 80 dal, tallaabadaas oo gilgishay suuqyada maaliyadeed ee caalamka. Suuqyada saamiyada Aasiya ayaa hoos u dhacay, iyadoo dalal ay ka mid yihiin Shiinaha ay ka digayaan in go’aankan uu sii kordhin karo xiisadaha ganacsi ee caalamiga ah isla markaana saameyn ku yeelan karo koboca dhaqaalaha adduunka.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay wareeg cusub oo canshuuro (tariffs) ah oo lagu soo rogay badeecadaha ka imanaya in ka badan 80 dal, tallaabadaas oo si weyn u ruxday suuqyada maaliyadeed ee caalamka. Suuqyada saamiyada Aasiya ayaa si xooggan hoos ugu dhacay, iyadoo maalgashadayaashu ka walaacsan yihiin saameynta ay tallaabadani ku yeelan karto ganacsiga iyo koboca dhaqaalaha adduunka.
Kuwa la bartilmaameedsaday, oo ay ku jiraan UK, Shiinaha iyo Midowga Yurub, waxay wajihi doonaan canshuur dhan 10% ilaa 12.5% dhammaan badeecadaha, taasoo ka dhigan ku dhawaad dhammaan waxyaabaha laga soo dejiyo Mareykanka.
Shiinaha iyo dowlado kale ayaa dhaliilay go’aanka Washington, iyagoo ka digay in canshuuraha cusub ay sii hurin karaan xiisadaha ganacsiga caalamiga ah isla markaana caqabad ku noqon karaan soo kabashada dhaqaalaha adduunka.
HM




